978EEEFA-D067-4A44-AD00-E87FD9F1D396.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo dib ugu soo noqday Garoowe kaddib shirkii Kismaayo[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka tirsan Wasaaradda ayaa caasimada Puntland ee Garoowe dib ugu soo laabtay.

Dhowaan ayay ahayd markii ay ka qaybgaleen Shire looga hadlaayay arimaha dayna cafinta dalka kaasi oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Madaxda Maaliyadda Dawladda Federaalka iyo madaxda Maaliyadda Dawladdaha Xubnaha ka ah.

Shirkan oo socday muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka soo baxay in Dastuurka dalka qaybta Maaliyadda lagu daro qodobadan.Kala saarista awoodaha Dakhliga, Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

  1. Kala saarista awoodaha Dakhliga, Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.
  2. Hannaanka qoondaynta dakhliga, gaar ahaan habka lagu qayb sanaayo dakhliga.
  3. In la cadeeyo Dastuurkana lagu daro Xafiiska Hanti dhawrka guud ee dalka.
  4. Daymaha iyo amaah qaada shada.

Shirkan sidoo kale intii uu socday waxaa looga dooday habka iswaa fajinta aalada dhanka xisaabaadka ee ay isticmaalaan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah.

Halka Dawladda Federalka iyo Dawladda Puntland ay adeegsadaan Nidaamka xisaabaadka Casriga ah ee loo yaqaan FMIS.

Galmudug, Hirshabeele, Jubaland iyo Koonfur-galbeed ay adeegsadaan adeegyadii hore ee dhanka xisaabaadka.

Waxaa xusid mudan in shirkan kiisa kale ee ku xiga loo balamay in ay marti galindoonto Maamul Goboleedka Koonfur-galbeed Laguna qaban doono magaalada Baydhabo.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland