65646702_2265540163514854_6462554521976438784_n.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Gaadiid ku Wareejiyay Xisbaabiyaha Maaliyadda ee gobolka Mudug[Sawirro]

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa gaadiid loogu talagalay in ay adeegsadaan shaqaalaha Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug ku warareejiyay Xisaabiyaha Wasaaradda Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay.

Wareejinta Gaadiidkan Wasiirka Maaliyadda,waxaa ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdirisaaq Xasan Maxamed.

Gadista Gaadiidkan ayaa timi kadib markii dhowaan Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi uu safar shaqo ku tagay gobolka Mudug soona arkay baahiyo kala duwan,dhanka Gaadiidkuna ka mid yihiin.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay Gaadiidka lagu waree jiyay ayaa kala ah Hilux iyo Borbox looguna talagalay Gaalkacyo iyo Galdogob.

Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in madaxda Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug looga baahanyahay dakhliga oo ay kor u qadaan.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hadlay hawlgalkii uu ku dhaawacmay Taliyahii Ciidamada ilaalinta Cashuuraha gobolka Mudug,waxana uu sheegay in dadkii ka dambeeyay in dhowaan Maxkamad la keeni doono.

Mudane Xasan Shire Cabdi,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa Maamulka gobolka Mudug iyo Taliska Booliska uga mahadceliyay sida ula shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda