061C0CD1-78A1-4C98-9583-5E92D229B801.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag[Sawirro]

BADHAN -Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada BADHAN ee xarunta gobolka Sanaag.

Degmada BADHAN, Wasiirka iyo waftigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Maamulka gobolka kan degmada, Saraakiisha qaybaha Daraawiishta iyo Booliska gobolka Sanaag ,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolada Sanaag iyo Haylaan, Nabdoono iyo Bulshada rayofka ah,qaybaheeda kala duwan.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/417547098904873/

Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi mas’uuliyiinta safarkan ku weheliyay waxaa kamid ahaa Taliyaha Ciidamada Cashuuraha Puntland Gen. Cismaan Xasan Cali Cuuke iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa madaxda Dawladda iyo Bulshada reer BADHAN uga mahadceliyay sida diiran ee ay usoo dhoweeyeen.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland