BC6795AD-767E-4A7C-81D9-216C2CBAA888.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo gaaray magaalada Gaalkacyo[Sawirro]

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed C/raxman Dhabancad ayaa maanta gaaray Magaalada Galkacyo.

Wasiiraddan ayaa waxa tuulada margaaga oo 55 KM u jirta Gaalkacyo kusoo dhoweeyay
mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha gobolka Mudug labadiisa kuxigeen iyo Saraakiisha Taliska Booliska gobolka Mudug.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ku hakaday kastamka cusub ee Wasaaradda Maaliyaddu dhawaan ka hirgalisay halka loo yaqaan Laanta Dusmada oo u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Bacaadweyn.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa xog dheeraad ah Wasiirka ka siiyay kastamka Maaliyadda ee Laanta Dusmada,waxaana ay sheegeen in uu qayb wayn ka qaadan doono soo xareynta dakhliga.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha guddaha ayaa sheegay inay u yimaadeen gobolka Mudug sidii loo dardargalin lahaa shaqada iyo wajibaadkii loogu xilsaaray hagaajinta Hay’adaha dowlada ee gobolka oo madaxweynuhu dhawaan u magacaabay.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland