F5897CBD-6822-4A94-9260-697CF8E67BF5.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo gaaray magaalada Qardho[Sawirro]

QARDHO – Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxa gaaray Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka amniga Cabdisamad Maxmed Galan,Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere ,Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Puntland Mahdi Farax Qambi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Safarkan ayaa ahaa mid shaqo oo ku aadan gobolka Karkaar gaar ahaan magaalada Qardho iyo ogaanshaha Ciidamada Daraawiishta ee tabarbarku uga socda Xerada Xorgoble. 

Waftiga magaalada Qardho waxaa kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Xisaabiyaha gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Guundhe.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland