18.png

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Ganacsatada Garoowe ugu tagay Goobahooda shaqo kalana hadlay Qaadashada Shilling Soomaaliga[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa kulan ku aadan socod siinta Lacagta Shiling Soomaaliga ah la qaatay Ganacsatada iyo Sariflayaasha magaalada Garoowe.

Kulanka ayaa ka dhacay Hoolka shirarka ee Xarunta gobolka Nugaal,waxaana si qoto dheer looga wada hadlay caqabadaha hor taagan socod siinta Shiling Soomaliga suuqyada ganacsiga Garoowe.

Masuuliyiinta Dawladda ayaa Sariflayaasha wax ka waydiiyay socod siin la aanta lacagta walow ay dowladda Puntland marar badan ay ka hadashay qaadashada lacagta.

Sariflayaasha suuqyada garowe ayaa dhankooda sheegay in aysan diidanayn socod siinta lagacta balse ay jiraan caqabdo badan oo dawladda looga bahan yahay in ay xal u hesho.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Cabdiqaadir Siciid Carshe oo ugu dambeyn ka hadalay kulanka ayaa Sariflayaasha ku wacyigeliyay in ay in ay saameyn ku yeelan doonto dhammaan bulshada haddii aan la socod siin qaadashada lacagta.

Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa soo dhex maray Suuqyada maagalada Garoowe,waxaana ay warbixino kala duwan ka dhagaysteen ganacsatada Suuqyada iyagoona u sheegay in la qaato lacagta horay loo diiday.

Mas’uuliyiinta Wasaardda Maaliyadda ee uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda C/qaadir Siciid Carshe waxa ay wadeen muddooyinkan dadaalo kala duwan oo ku aadan xal u helida diidmada lacagta ee Suuqyada welina waxaa socda kulamo kale oo dheeri ah.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntlnad