22007798_2001770640057014_3791600773008630767_n-1.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Garoowe Kusoo dhaweeyey dhigiisa Maaliyadda ee Federaalka iyo Maamulada dalka[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta kusoo dhaweeyey magaalada Garoowe Wasiirka Maaliyadda Federaalka Cabdiraxmaan Beyle iyo wafti uu hoggaaminayo.

Wafdiga Wasiirka Maaliyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa waftigiisa waxaa kamid ahaa qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda ee maamulada Jubbaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ,Wasiir Kuxigeenka Cabdisalaan Bashiir iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda ayaa Beyle iyo Waftigiisa ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Ujeedada Safarka Wasiirka Maaliyadda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ah shir ku saabsan nidaamka “Fiscal Federalism” oo ah sidii loo qeybsan lahaa dakhliga iyo kheyraadka dalku leeyahay,mideynta cashuuraadka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sheegay in Wasiirka Iyo Wafdigiisa uu kusoo dhaweynayo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee magaalada Garoowe lagu qabto ,waxaana shirkii u horreeyey la qabtay bishii Juun ee sanadkii 2016-ka.

Shirkan ayaa waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka oo wakiil ka ah deeq bixiyaasha caalamka,iyagoona taageero ka helaya maamulada gobolada iyo dowladda dhexe dib u habeynta maamulka maaliyadda dalka.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com