Wasiirka Maaliyadda Puntland oo hortagay Golaha Wakiiladda Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta hortagay Golaha Wakiiilada Dowladda Puntland.

Fadhiga 23aad ee Kalfadhiga 47aad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane Abdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, labada Gudoomiye ku xigeen Mudane Cabdi Casiis Cabdulhaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda waxaa ku weheliyay Wasiir kuigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Agaasimaha guud Faysal Cabdulaahi, Xisaabiyaha guud ee Dowladda Cumar Salax iyo mas’uuliyiin kale.

Ajandaha Fadhiga maanta ee Golaha ayaa ahaa La Xisaabtanka Xukumadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Golaha ka hor jeediyey wax yaabihii horumarka laga sameeyay iyo qorshayaasha lagu taamaayo in la hirgeliyo oo ay ka mid ahaayeen.

  1. Kobcinta dakhliga Dowladda iyada oo la xoojinaayo Cashuuraha berriga iyo Kastamyada Puntland.
  2. Horumarinta Hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo ku dhaqanka Miisaaniyadda Dowladda Puntland.
  3. Dib u habaynta iyo horumarinta hantida Dowladda guurto iyo Maguurto
  4. Midaynta khasnada dowladda Puntland si wadajir ah-

Iyo qodobo kale waxana uu Wasiirku Golaha u sheegay in guulo laga gaaray qaybo ka mid ah qorshayaashii degsanaa inta kalena hawshoodu socoto.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa su’aalo ka weydiiyay Wasiirka khudbadiisii, Wasiirkuna uga jawaabay Golaha.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland