Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qayb galay Daah-furka Garoonka Kubadda Cagta Cawaale ee Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka qayb galay Daah-furka Garoonka Caawaale ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xariga ka jaray Cawaale stadium.

Xaflada Daah-furka waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta Labada gole ee Puntland iyo Galmudug Maamulka Gobolka,kan degmada iyo Bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwadan.

Dowladda Puntland ayaa dhaqaale xoogleh ku bixisay dhismaha garoonka Cawaale waana taalabo dhanka hurumarka ah oo horay loo qaaday.


Baahintiii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland