Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay kulan looga hadlay dhaqan gelinta go’aamadii kasoo baxay Dowladda(Sawirro)

BOOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso ayaa maanta ka qaybgalay kulan ka dhacay xarunta gobolka Bari oo ay isugu yimaadeen Maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso iyo taliska ciidanka ammaanka.

Shirkaan waxaa kaloo Wasiirka ku weheliyey Wasiirka amniga, Wasiirka Dekedeha Wasiirka Haweenka, taliyaha qaybta Booliska gobolka, Duqa degmada iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayey dhaqan gelinta go’aamadii ka soo baxay Guddigii Madaxweynaha Dowladda Puntland u xil saaray xasilinta suuqyada & wax ka qabashada qiima dhaca shilling Soomaaliga.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland