A1964C4B-7C63-4105-AA26-29F46C1C6D76.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Shir ka dhacay Qardho[Sawirro]

QARDHO – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka qaybgalay shir ka dhacay xarunta gobolka Karkaar kaasi oo amniga looga hadlayay.

Kulankan waxaa ka soo qay galay Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere, Gudoomiyaha gobolka Karkaar, kuxigeenada gobolka iyo degmada,duqa degmada Bayla iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Puntland.

Shirkan mudadii uu socday ayaa si wayn looga hadlay Amniga gobolka kaasi oo la isla qiray in uu yahay mid wanaagsan laamaha amniguna iyo gobolkuba ay guteen waa jibaadkoodii shaqo.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland