4955BAB0-8FC8-4940-9FA4-E946FAA6DA24.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qeybgalay Xaafad cusub oo laga dhagax-dhigay Boosaaso(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Dawladda, Maamulka Gobolka Barri,maamulka degmada Boosaaso,Issimo,culuma’udiin,aqoonyahan,siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa ka qeybgalay daahfurka xaafad cusub oo laga dhagax-dhigay magaalada Boosaaso.

Xaafaddan ayaa loo bixiyay CAGAARAN,waxaana mashruuca lagu dhisayo xaafadan cusub iska kaa shanaya qurbajoog Soomaaliyeed oo hantidooda ku bixinaya horumarinta dalkooda.

Munaasabadda lagu dhagax-dhigayey xaafadan cusub ayaa si weyn u soo jiidatay mas’uuliyiinta Dawladda ee ka qaybgalay nidaamka cusub ee loo qorsheeyey in xaafadda Cagaaran ee Boosaaso loo dhiso .

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/586578025195696/

Mas’uuliyiinta Dawladda Puntland iyo Siyaasiyiintii ka qaybgashay ayaa si weyn usoo dhaweeyay mashruucan laga hirgelinayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xafadan cusub ee Cagaaran waa mid yeelan doonta muuqaal ka duwan Xaafadaha Boosaaso sida ay sheegeen madaxda hormuudka u ah dhismaha xaafada cusub.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland