437F0F89-3720-47C2-A573-1A17DA697AD0.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qeybgalay Xaflad ay xilka kula wareegayeen Maamulka cusub ee gobolka Mudug(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Muddane Xasan Shire Cabdi oo kamid ah guddiga dhawaan madaxweynuhu u magacaabay habeynta hay’addaha dowlada ee gobolka Mudug ayaa ka qaybgalay xaflad ay xilka kula kala wareegayeen Maamulka Gobolka iyo taliska Booliska.

Xil-wareejintan ay xilka kula kala wareegayeen Guddoomiyaha gobolka Mudug,labadiisa kuxigeen iyo Taliyaha cusub ee qeybta Booliska ayaa ka dhacday Xarunta Madaxatooyada magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliayadda Mudane Xasan Shire Cabdi oo ka hadalay xafladaasi ayaa kula dardaarmay madaxda cusub inay la yimaadaan hufnaan iyo feejignaan dhanka aminga ah.

Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Maaliyadda ayaa caddeeyey sida loogu baahanyahay inay shacabku la shaqeeyaan maamulka iyo ciidamadda Amaanka.

‘’ Gobolkan Mudug waxan rabnaa in la xoojiyo maamulka oo dhamaan hay’addaha dowladu ay si toos ah uga amar qaataan ulana shaqeeyaan guddoomiyaha gobolka si nidaamka dowliga ah loo xoojiyo…”ayuu yiri

“” Anigu ka wasaarad ahaan haddii guddoomiyaha gobolku soo dacweeyo xisaabiyaha gobolka shaqada waan ka joojinayaa ,waana muhiim inaynu xoojino amaanka sababtoo ah meel aan amaan kajirin majiro horumar laga shaqeyn karaa…”sidaas waxa yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi.

Xaafiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland