IMG_0760

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatey madax ka tirsan Bangiga Adduunka

IMG_0760GAROOWE- Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Garoowe ka dib shir uu Nairobi uga soo qeybgalay heshiis ku galeen DFS,maamulada dalka iyo Bangiga Adduunka.

Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Bangiga Aduunku dhaqaale lacageed ugu yaboohay DFS ayna qeyb ka tahay Puntland dhaqaalahaas.

IMG_0776Waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Puntland in dhaqaalahaas oo dhan 144 milyan oo doollar uu socon doono muddo shan sano ah isla markaana muhiimad ballaaran u leedahay Puntland iyo dhinacyada kale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh ayaa xusay in Dowladda Maraykanka bishan Oktoobar si toos ah u bilaabeyso Taageeradeeda Maaliyadeed ee ay ku bixineyso Tababarka iyo qalabeynta Ciidamada Booliska Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed
Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in sida ugu dhakhsiyaha badan uu Bangiga Aduunku uga bilaabayo Puntland mashaariicyo kala duwan taasoo ay kamid tahay bixinta Mushaharaadka shaqaalaha kala duwan ee Dowladda.

Bangiga aduunka iyo wadamada deeq bixiyaasha ayaa sanadihii ugu danbeeyay dhinacyo badan ka taageerayay dowlada Soomaaliya, oo ay ka mid tahay dib u habaynta maamulka maaliyadda iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Waaxda Media-ha