42F08651-0DAC-44FC-952B-397EB99EBBFC.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer ku sameeyay shaqada ka socota Dekedda Boosaaso(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kormeeray habka ay ushaqeeyaaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawlgala Dekedda magaalada Boosaaso.

Kormeerkan waxaa Wasiirka Maaliyadda ku weheliyay Xisaabiyaha guud ee Dawladda,Agaasime Guud ku xigeenka Dakhliga, iyo masuuliyiin kale.

Kormeerkan shaqo markii uu soo idlaaday ayaa waxa uu Wasiirku xog dheeraad ah siiyay, Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland .

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/2782717211768462/

“kormeerkan waxa uu qayb ka ahaa ogaanshaha shaqada iyo sixida qaladaadka xogna waanu ka diyaarin doonaa insha alaah”

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaanu wax ka waydiinay in ay arkeen wax qaladaad ah

“haa waanu araganay waxaanu haynaa shaqaalaha Wasaaradda qaybo ka mid ah oo adeegsanaya warqado been abuur ah iyo kuwo hanti lunsaday ,dhowaana maxkamad ayaanu keeni doonaa”

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa la hadlay dhammaan shaqaalaha Wasaaradaha Dawladda ee Dakhliga qabta.

“Dhammaan shaqaalaha Wasaarad kasta oo dakhli qabata,waxaan uga digaynaa qofkii hanti lunsada waxa uu wajahayaan ciqaabta uu leeyahay”

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa la hadlay Gacnacsatada Soomaaliyeed.

“dhamaan ganacsatada waxaanu u diyaarinay warqado ay ku cadaynayaan badeecadooda,waa in ay buuxiyaan si loo ogaado hantida uu wato”

kormeerkan shaqo ee Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland iyo waftiga uu hogaaminaayay ayaa ku soo beegmaysa xili ay si weyn u shaqeynayso Dekeda Boosaaso oo ah laf-dhabrta dhaqaale ee Shacabka iyo Dawlada Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland