Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tagey Dekedda Bosaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyey Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudne Cabdullaahi Xirsi Timacade, Maamulaha Furdada Maxamed Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Mas’uuliyiintan ayaa tagay goobaha shaqadu ay ka socotay, Maamulaga Furdada ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay qaabka ay u socoto shaqo maalmeedka ee dhanka cashuurta badeecooyinka.

Kulan ka dhacay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa looga hadlay hawlaha shaqo ee dekedda, waxaana ka qayb galay Wasiir kuxigeenka Dekedeha Yaasiin Cartan.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland