Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tegay xarunta Maaliyadda ee Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug.

Kormeerka Wasiirka oo daarnaa u kuurgalidda hannaanka shaqada Wasaaradda iyo Dar-dar gelinta qaadista Canshuurha, ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug.

Wasiirka ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda waxaana uu warbixino ka dhagaystay maamulka iyo shaqaalaha xarunta.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug isaga oo faray in la dar-dar geliyo canshuur-qaadista iyo kobcinta dakhliga gobolka iyo guud ahaan Puntland.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay In kor uqaadidda dakhaliga ay tahay mid ka go’an Madaxda Wasaaradda Maaliyadda si dawladdu u gudato waa jibaadkeeda ka shaqo ee horumarineed.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ugu baaqay dhammaan ganacsatada gobolka mudug iyo Shirkadaha ganacsi in ay bixiyaan canshuurta ku waaijibtay.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland