9

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku Sameeyey Xarunta Wasaaradda ee Boosaaso[Sawirro]

9BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa kormeer u kuurgal ah ku sameeyey qeybo kamid ah Xafiisyada Wasaaradda ee Boosaaso.

Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa Qeybaha uu booqday,waxaa kamid ah,Waaxda Qiimeynta Cashuuraha,Waaxda Hubinta,Waaxda Data base-ka iyo Faraca Bangiga furdada.

1Waxa uu dhammaan Xafiisyadauu booqday kula kulmay mas’uuliyiinta madaxda ka ah ,isagoona ka xog waraystay xaaladda iyo shaqada dhabta ah ee ka socota Xafiisyada ee bulshada loo hayo.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa kormeerkiisa ,waxaa ku weheliyey Agaasimaha guud ee Furdooyinka W/Maaliyadda Cismaan Buux Cali.

11Gabagabadii Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa kula dardaarmay shaqaalahiisa iney dardargeliyaan shaqada ay u hayaan bulshada Puntland ,isagoona ku ammaanay kaalinta ay ka qaateen horumarka Puntland.

2 3 4 5 6 7 10 12 13 14 15 16 17

Osman Isse
Tifaftiraha Website-ka
Maaliyadda Puntland