Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Bangiga Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dowladda Laantiisa Boosaaso.

Madaxda Bangiga ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay xarunta iyagoona uga warbixiyey hannaanka shaqo ee uu Bangiga.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Bangigu ka kooban yahay, waxana uu la kulmay shaqaalaha ka howlgala.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa kormeerkii 2aad oo xiriir ah ku tegey dekedda Boosaaso,isagoona u kuurgalay shaqooyinka ka socda dekedda gaar ahaan wax ka ogaanshaha badeecooyinka dhoofa.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland