7.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe,waxaa ku weheliyay kormeerkiisa shaqo Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Cabdirisaaq Xasan Maxamed,Agaasimaha kuxigeenka dakhliga Mudane Cismaan Buux Cali,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada Cabdisamad Surato iyo xubno kale.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxa kusoo dhaweeyey Maareeyaha Garoonka,Agaasimaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha garoonka,Taliyaha garoonka diyaaradaha iyo shaqaalaha garoonka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdlaahi Siciid Carshe iyo waftigiisa ayaa kormeeray qeybaha shaqo ee garoonka,wuxuuna kulan la qaatay Madaxda garoonka.

Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa ka codsaday Wasiirka in wax badan laga gacan siiyo arrimaha garoonka taasoo uu Wasiirku ballan qaaday in uu wax badan kala qaban doono.

Hoos ka daawo sawirada kormeerka

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland