6B7083F5-D4D5-430F-9AA2-58DA00101A8D.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay goobaha dakhliga ee ku yaalla Garoowe(Sawirro)

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda DPL Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa saaka kormeer ku tagay goobaha Dakhliga sida Cashuuraha Berriga Gobolka Nugaal, Xafiiska Kastamka Gobolka Nugaal, iyo Garoonka Diyaaradaha.

Wasiirka ayaa kormeerkiisa waxaa ku weheliyay Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga Mudane Xasan Cali Samatar, Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan, Xoghayaha Wasaaradda Mudane Axmed Jamac Xasan iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland kormeerkiisa ayaa ahaa u kuurgaelid ku aadan dhanka shaqada,waxana uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda laamaha uu booqashada ku tagay aydoo uu wax ka waydiiyay hab usocodka shaqada.

Wasiirka wasaradda Maaliyadda Dawaldda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa madaxda laamaha Maaliyadda ee uu booqday u sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo wax soo saarka dhanka dakhliga loona baahan yahay in la sameeyo ilo kale oo dakhli.

Markii ay soo afmeereen kormeerk ayaa wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland waxa uu Bulshada reer puntland ee ay cashuurtu ku waa jibtay ugu baaqay in ay cashuurta bixiyaan si dalku horumar u gaaro.

….’’ Bulshada reer Puntland ee ay Cashuurtu ku waa jibtay waxaan u sheegaynaa in ay bixiyaan Cashuurta naagana nugula xisaabtamaan waana hubaal dawladnimadu waxa ay ku dhisan tahay cashuurta oo la bixiyo si loogu adeego bulshada”ayuu yiri Wasiirku.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland