Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Laanta Maaliyadda ee Qardho(Sawirro)

QARDHO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa manta koormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo laanta Bangiga Dowladda ee magaalada Qardho.

Ujeedka socdaalka Wasiirka ayaa ah u guur-galida qaabka ay u socto shaqada Wasaaradda, waxana uu qeyb qeyb u booqday xafiisyada iyadoo halkaas ay ka socotay shaqo maalmeedka xarunta Qardho.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi ayaa ayaa Wasiirka uga warbixiyay shaqada Xafiiska iyo dayactir xooggan oo ka socda Wasaaradda.

Dayactirkan ayaa isugu jira dhanka qalabka Xafiisyada iyo dhismayaasha, waana mid uu dadaal wayn ugu jiro Xisaabiyaha gobolka karkaar Yaasiin Cabdi.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa boggaadiyay shaqada dayactirka xarunta Wasaaradda ee Qardho, waxana uu shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta kula dardaarmay kor u qaadida dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland