0B1E6B48-A47B-4CBF-82B5-17578C5086A0.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Waaxyaha Cashuuraha ee Falaryaale iyo Godqaboobe ee gobolka Sool(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay waxaada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Sool gaar ahaan Falaryaale iyo Godqaboobe.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda kormeerkan,waxaa ku weheliyay Wasiirku Xigeenka Dakhliga Yaasiin Ibrahim,Wasiir ku xigeenka Amniga,Agaasime xigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar,Maamulka Gobolka Sool iyo Xisaabiyayaasha Wasaaradda.

Kormeerka Wasiirku ku tagay Xarumaha Wasaaradda Maaliyadda Golbolka ayaa ahayd ogaanshaha shaqada Cashuuraha .

Wasiirka Maaliyadda iyo waftiga uu hogaaminaayo ayaa waxaa si weyn halkaasi ugu soo dhaweeyay Madaxda Wasaaradda ee gobolka Sool.

Wasiirka ayaa warbixino kala duwan ka dhagaystay Masuuliyiinta Wasaaradda,waxaana uu kormeeray goobaha dakhliga lagu qabto.

Intii uu Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ku sugnaa Gobolka Sool,waxa uu la kulmay Maamulka Gobolka, Odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha Ciidamada.

Wasiirka Maaliyadda ayaa shaqaalaha Wasaaradda ku wacyigaliyay in ay xoojiyaan wax soo saarka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaardda Maaliyadda ayaa Bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay Cashuurta bixiyaa si hurumar badan Dalka looga sameeyo.

Maxamuud Cabdisalaan Xasan

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda Dawladda Puntland