6-1.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Howlaha guud iyo Bisha cas ee magaalada Gaalkacyo[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumaha howlaha guud iyo Isbitaalka Bisha cas ee lafaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa kormeerkiisa ,waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee Cashuuraha W/Maaliyadda Puntland Cali Farxaan iyo Xisaabiyaha guud ee gobolka Barkhadle Aadan Cadde.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa shir la qaatay mas’uuliyiinta W/Howlaha guud iyo PITECH ,wuxuuna kala hadlay howalaha wadashaqeynayd ee dhaxeeya Wasaaradda iyo sidii loo dardargelin lahaa.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa tagay Isbitaalka Bisha cas ee Lafaha,wuxuuna kulan iyo kormeerka la qaatay Dhakhaatiirka Isbitaalka,isagoona ku ammaanay shaqada ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Hoos ka daawo Sawirrada kormeerka

Waaxda Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Maaliyadda Puntland