Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo uu weheliyay Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa waxaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey mas’uuliyiinta Wasaaradda oo warbixin ka siiyey shaqada ay u hayaan shacabka.

Intaas kadib Wasiirka ayaa waxa uu booqday xarunta Wasaaradda oo xilligaasi ay ka socoto shaqo maalmeedkii caadiga ahaa, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha inay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan shacabka.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland