8435EE9F-D4E8-4057-BB93-EEA07CE7F282.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagey Bangiga Boosaaso iyo xarumo kale[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tegay goobo ay kamid yihiin Bangiga Dawladda, Dekedda Boosaaso iyo Laanta ilaalinta Cashuuraha gobolka Bari.

Mudane Xasan Shire Cabdi , Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Bangiga Dawladda ee uu hormuud ka u yahay Maamulaha Bangiga laanta Boosaaso Muuse Aw-xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay in dhisme laga siin doono Cashuuraha beriga dhismayaal ku yaal Bangiga ayadoo laanta Cashuurahu horay ugu jiray guri kira ah, Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlaaya in dawladu guryo hanti ah hesho ayaa yiri 

“Waa wax ceeb ah in Dawladdu ay ku jirto guri kiro ah iyo Gaari kiro ah taasna Dawladnimada meelna kama soo gasho, xukumada uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr siciid Cabdulaahi Deni waxa ka go’an hanan Dawladdnimo  ayuu yiri Wasiirka Maaliyaddu”

Wasiirka  Maaliyadda ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkan shaqo waxa uu booqaday xarunta Cashuuraha Beriga,waxana xog dheeraad ah oo dhanka shaqada ka siiyay Maamulaha Cashuuraha Cabdiqaadir Liibaan

Kormeerkan shaqo ayaa ahaa ogaanshaha isbadalka horay loogu sameeyay shaqaalaha qaybta Cashuuraha habka ay u gudanaayaan shaqadooda iyo hab sami usocodka shaqada.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa Maamulaha furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ku wareejiyay gaari loogu tala galay in loo adeegsado qaadista shaqaalaha oo aan horay gaadiid u lahayn.

Maamulaha furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka Maaliyadda uga mahadceliyay ku wareejinta gaarigan waxana uu sheegay in ay baahi wayn uqabeen. 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland