Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Dekedda Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tegey Dekedda Boosaaso iyo xarunta Wasaaradu ku dhex leedahay Dekedda.

Wasiirka Maaliyadda waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Maamulaha Furdada Maxamed Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa soo dhexmaray qaybaha kala duwan ee ay dekeddu ka kooban tahay, xili ay socotay dejinta badeecooyinka ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibtu.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sidoo kale booqaday Xafiisyada Wasaaradu halkaasi ku leedahay, waxana uu la kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha.

Maamulaha Fududa Boosaaso ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyay habsami usocodka shaqada iyo qaadista cashuurta badeecooyinka.

Wasiirka ayaa madaxda iyo shaqaalaha ku dhiiri geliyay kor uqaadida dakhliga iyo ushaqaynta Bulshada adeegsata dekedda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland