Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Kastamka Airpor-ka iyo Xarunta Cashuuraha Berriga Boosaaso(Sawirro+Video)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi aya kormeer shaqo ku tagay Kastamka Garoonka diyaaradaha iyo xarunta Cashuuraha Berriga ee gobolka Bari.

Kormeerka Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Kastamada Puntland Mahdi Cabdiqaadir Faarax (Qambi) iyo mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

Wasiirku kormeer kan uu ku sameeyay goobaha dakhliga Boosaaso ee Kastamada Garoonka iyo Cashuuraha Berriga ayaa Salka ku haya wax ka ogaan shaha shaqada goobahaasi.

Booqashadii garoonka, Maamulaha Kastamka Garoonka ayaa wasiirka xog-dheeri ah ka siiyay soo xeraynta dakhliga iyo Horumarka ay ka gaareen, Wasiirkuna waxa uu bogaadiyay shaqada socota.

Dhica kale Xarunta Cashuuraha Berriga gobolka Bari oo uu booqaday Wasiirku waxa uu kulan la qaatay Madaxda Cashuuraha Berriga.

Intii uu socday kulaan kaasi madaxda Cashuuraha Berriga waxa ay soo bandhigeen dakhliga ay soo xereeyeen iyo goobaha aysan u suuro gelin oo ay ka mid yihiin Maamulayaasha iyo Macalimiinta Iskuulada qaybo ka mid ah.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha kula dar-daarmay in ay dadaal dheeri ah ku bixiyaan kor u qaadista Dakhliga, waxana uu Maamulayaasha, Macallimiinta Iskuulada faray in ay bixiyaan Cashuurta ku waajibtay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland