Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagey xarunta Bangiga Puntland ee Boosaaso(Sawirro+Video)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dowladda Puntland laanta Xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari.

Guddoomiyaha Guud ee Bangiga Dowladda Cabdirisaaq Warsame Seeraar ayaa wasiirka halkaasi ku soo dhaweeyey, waxana uu booqaday Xafiisyada Maamulaha Bangiga, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari iyo Xafiisayada kale ee xisaabdka Maaliyaddu ay Bangiga ku leeyihiin.

Maamulka Bangiga ayaa Wasiirka xog-dheeri ka siiyey shaqooyinka socda iyo sida ay dakhliga u soo xeroodo.

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

Intii uu Wasiirku kormeerkan ku jiray sidoo kale waxaa uu kulan la qaatay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari Maxamed Maxamuud Axmed, waxaana uu warbixin ka siiyey habsami u socodka shaqada Xisabaadka gobolka.

Wasiirka ayaa boggaadiyey shaqooyinka ay hayaan Madaxda iyo shaqaalaha Bangiga iyo Xisaabaadka gobolka Bari.


Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntlan