BAF8511C-64CD-48E3-B8D4-0C0750B61BC1.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey xarunta W/Maaliyadda ee Gaalkacyo(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Maaliyadda ayaa kormeerkan shaqo waxaa ku weheliyay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug iyo Masuuliyiin kale ayaa Wasiirka iyo madaxdii kale kusoo dhoweeyay Xarunta Wasaaradda.

Kormeerkan ayaa ahaa isbarasho iyo ogaanshaha shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka howlgala Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda aydoo shaqaalahu ku guda jireen shaqo maalmeedkii shaqada waxana xog dheeraad ah ka bixiyay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan dheeraad ah oo ku aadan shaqada la qaatay madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland