IMG-20171102-WA0030.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeeray Dekeda Boosaaso oo Xilli Habeen ah shaqo ka socoto(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa booqday Dekeda magaalada Boosaaso oo maalmo kooban hakad gashay ,waxaana ka socotay shaqadii ay bulshada u qaban jirtay.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa kormeerkiisa ,waxaa ku weheliyey Wasiir kuxigeenka Dekedaha,maamulka gobolka Bari,ganacsato iyo xubno kale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Saxaafadda kula hadlay gudaha dekeda ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay shaqeynayso ,hakadkii ku yimid markii horena laga heshiiyey.

“”…..Waa la isla gartay in danta caamka ah isku si loo arko,xoogaagii Is-fahan waaga ahaana in la isla fahmay aad baana ugu mahadcelinayaa intii ka shaqeysay”ayuu yiri Carshe

“”…. Haddii la wadahadlo wax badan ba la fahmayaa,laakiin haddii la kala qoqobnaado wax badan ba khaldamaya marka waxaan leeyahay ha la iska war hayo dowladda,ganacsatada iyo shacabka”

Waxa uu sheegay in qaabkii ay u shaqeyn jirtay Dekedu u shaqeynayso iyadoona la is-waafajinayo qaabka ay u shaqeynayso shirkadda lagu wareejiyey Dekeda.

“” ….Qaabkii ay dekedu u shaqeyn jirtay iyo Company-ga anynu ku wareejiyey qaabku u shaqeynayo waa la is-waafajinayaa, Insha allah illaa toban casho ayaa la rabaa in la is-waafajiyo ,dhammaan gacansatada iyo shacabkana waxaan ka rabnaa iney gacan nagu siiyaan sababtoo ah danteena ku jirta”ayuu yiri.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay tahay mid ay ku tiirsan yihiin Ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in sidaas loo fahmo.

“” ….Dekeda Boosaaso Soomaali baa ku nool ,Soomaali oo dhan bey ka dhaxeysaa in sidaas loo wadafahmo weeye””ayuu yiri

Sidoo kale ,waxa uu ka digay in shacabka si khaldan wax loo fahansiiyo isla markaana laga wada shaqeeyo ammaanka guud ee Puntland oo la joojiyo kicinta shacabka.

“” …..In shacabka masaakiinta ah si khaldan wax loo fahamsiiyo waan ka digaynaa ,amnigana ha laga wada shaqeeyo,xasiloonida iyo degenaanta halaga wada shaqeeyo,waanu dareensanahay in shacabka la kicinaayo oo hadal khaldan la gelinayo..”ayuu yiri.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com