B20483F1-F3B8-4806-947F-4D3841450303.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan laqaatay Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda Puntland kulankaasi ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda ee magaalada Garoowe.

Kulankan oo qabtay Agaasimayaasha Wasaaraddaha iyo Maamulka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirku Xigeenka Maaliyadda, Wasiirku Xigeenka dakhliga Maaliyadda, Wasiiru dawlaha Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, ,Hanti Dhawrka, Xeer ilaaliyaha,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo shir guddoominayay shirka ayaa halkaasi lagu soo bandhigay liiska Wasaaraddaha Cashuurta ka bixiyay Mashaariicda iyo kuwa aan bixin.

Dood dheer kadib waxaa laysku afgartay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo in lasoo xereeyo Cashuurta Mashaariicda dhex marta Wasaaraddaha Dawladda.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa xog dheeraad ah siiyay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

“Waxaan halkaan shir ugu qabanay Agaasimayaasha guud ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha iyo Agaasimayaasha Maamulka waxaana looga wada hadlaayay kicinta iyo kor uqaadida Cashuurta ku waajibtay lacagaha dhanka Mashaariicda,waxana lasoo daabacay shantii bilood lacagtii dhexe martay ayuu yiri Wasiirku”ayuu yiri

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ay dacwayn doonaan Wasaaradda aan bixin Cashuurta.

…”” Shirkan waxaan ku soo bandhignay liiska Wasaaraddaha aan bixin iyo kuwa bixiyay waxaanu halkaas ka sheegnay in aanu dacwayn doono Wasaaraddo aan bixin Mashaariicda dhexmaray Cashuurtoodii kuwa bixiyay waanu amaanaynaa ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland”

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay jiraan hay’addo ay adeega ka joojiyeen.

“Haa way jiraan hay’addo bixin waayay Cashuurta Mashaariicda dhex marta dacwadna waan ka gudbinay adeegiina waan ka joojinay “.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland