Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Ganacsatada gobolka Bari(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah Ganacsatada gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamud Yuusuf iyo Taliyaha Saldhiga Dekada G/sare Maxamed Cali Xaashi.

Wasiirka ayaa Ganacsatada ku ammaanay sida ay ula sheeqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda, waxaana uu kula dar-daarmay in ay laba jibaaraan wada shaqaynta, horumarka iyo maalgashiga dalkana ay ku dhiiradaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland