img_3577

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxa Bangiga Aduunka Soomaaliya[Sawirro]

img_3577Shirkan maanta ka qabsoomay Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlada Puntland ayaa waxaa uu ahaa mid dhex Marayay Xubnaha Wasaradda Maaliyadda iyo Masuulka ugu sareeya Xafiiska Bankiga Adduunka uu ku leeyahay Dalka Somalia.

Shirkan oo Mudo saacadaha soconayay ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan sidii loo hagaajin lahaa maamulka xisaabaadka lacagta ee Wasaaradda Maaliyada iyo heerka uu marayo xiligan mashaaariic dhowr ah oo bankiga Adduunka uu kala shaqeeyo Wasaaradda Maaliyada ee Diwlada Puntland.

Lataliyaha Habka Maamulka Lacagta Wasaaradda Maaliyada Dowlada Puntland Cabdulqaadire Axmed Xaashi ayaa Markii uu shirkan soo dhamaaday ka dib waxaa uu la hadlay bahda war baahinta waxaana uu ka sheekeeyey waxyaabihii ugu muhiimsannaa ee ay madaxda Xafiiska Somalia ee Bankiga Adduunka uu kala hadlay.

Markii uu shirkan uu soo dhamaaday ka dib ayaa xubnaha waxay indha indheyn ku tageen dhismaha cusub ee Xarunta Wasaaradda Maliyada oo xiligan ka soconayay magaalada Garowe.

Waxaa howshan dhismaha la filayaa in la soo gaba gabeeyo horaanta sanadka soo socdo iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee sidan oo kale magaalada Garowe iyo guud ahaan puntland booqashooyinka ugu yimaadaan xubnaha ka socdoa bankiga Aduunka taasi oo muujineysa xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa  Puntland iyo Bankuga Aduunka.

img_3578 img_3581 img_3585 img_3587 img_3588 img_3591 img_3592 img_3596 img_3597 img_3599 img_3600 img_3603 img_3607 img_3608 img_3611 img_3612 img_3616 img_3617 img_3618 img_3619 img_3625 img_3626 img_3628 img_3629 img_3636

Maxamuud Cabdisalaan
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda
Garoowe