8AD703EE-E1F9-4E00-A1EC-4FED9DD79317.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Baarista dakhliga gudaha(Sawirro)

Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa kulan laqaatay madaxda Baarista dakhliga gudaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire iyo madaxda kale waxay kulan kaga ogaanaayeen shaqada ay qabtaan Madaxda Baarista dakhliga gudaha Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxda Baarista dakhliga gudaha ayaa soo bandhigay habka ay uga shaqeeyaan gobolada Puntland,xogta ay hayaan iyo caqabadaha jira ee dhanka shaqada.

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa madaxda Baarista dakhliga gudaha siiyay fulin awaamiir cusub oo ku aadan shaqadooda.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa madaxda Baarista dakhliga gudaha u sheegay in baaristoodu noqoto ilaha dakhliga iyo ka hortaga khaladaadka in shaqaalaha dakhligu baal maraan shuruucda shaqada u taala.

Kulankaan ,waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Maaliyadda,Wasiiru dawlaha Maaliyadda,Wasiirku Xigeenka dakhliga,Agaasimaha guud iyo madaxda Baarista dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda Dawladda Puntland