FEBBECBA-A233-484D-8D6A-F7D199100909.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan laqaatay madaxda Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid ku aadanaa xoojinta wada shaqaynta labada dhinac iyo soo xareynta Cashuuraha ku waajibtay Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya si kor loogu qaada dakhliga Dalka.

Waxaana kasoo qaybgalay kulanka Wasiiru dawlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Maxamed Aadan Jimcaale, Agaasimaha laanta socdaalka Puntland Maxamed Cabdi Faarax Qambi iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkaasi mudadii uu socday ayaa si qoto dheer looga wadahadlay arrimaha Cashuuraha dhinaca socdaalka iyo sidii dakhliga Wasaaradda Maaliyadda loogu soo xerayn lahaa, kaasi oo la isku afgartay.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa horay usheegay in ay dadaal adag u gali doonaan soo xereynta dakhliga si dalka horumar looga sameeyo.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland