649FD7F8-3ED8-4121-A6C7-B6039D55C0AA.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan dardargelin shaqo ah la qaatay shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland,kulankaas oo ka dhacay Xarunta Wasaaradu ay leedahay Caasimada Puntland ee Garoowe.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenada,Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Xisaabiyaha Guud iyo ku xigeenkiisa.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa xusay in arrinta ugu muhiimsan oo ay Wasaaraddu qaadayso noqon doonto kicinta dakhliga guud,loona baahan yahay isku duubnaan Madax iyo shaqaale.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa isna dhankiisa sheegay in mudnaanta kowaad la siin doono kor u qaadida dakhliga lana abuuro ilo dakhli oo cusub.

Baahintii
Xafiisa Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland