32F82322-C5FD-4690-954D-321B64F00B4C.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay madaxda W/Howlaha guud,Ciidanka Taraafikada iyo xubo kale(Sawirro)

Wasiirka Wasaardada Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud,Ciidamada Taraafika Ciidamada Turbataariyada iyo shirkadaha qaabilsan istiikarada iyo taarikada.

Shirkan ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyaada ee Garoowe waxaana kasoo qayb galay Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Wasiiru dawlaha Maaliyadda,iyo Agaasimaha Guuud.

kulan kaasi intii uu socday ayaa looga wada hadlay dhibaatooyinka hor taagan in Cashuurta laga qaado gaadiidka ay ku waa jibtay.

Madaxdii ka qayb gashay kulan kaasi ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi usoo gudbiyay xog dheeraad ah oo ku aadan dhibaatooyinka hor taagan Cashuuraha Gaadiidka.

shirkaasi ayaa qaatay saacado ugu dambayn tiina Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo saaray qodobo laysku af gartay oo ay ka mid yihiin

  1. Looma samayn karo wax cashuur dhaaf ah gaadiidka.
  2. Goboladu hal mar yay Cashuuraha bilaabayaan.
  3. Gaadiidka madaxda Dawladu waa in ay Cashuurtaan.
  4. Gaarigii 3 bil dhaafa waa la ganaaxayaa.
  5. Gadiidka Dawladda ee khaas ka ah labar ayaa lasiinayaa.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa kulankan la qaatay Masuuliyiinta Cashuuraha iyo shirkadaha qaabilsan istiikarada ayaa ku soo beeg maaya aydoo dhowaan ay bilaaban doonaan Cashuuraha Gaadiidku.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland