3BA1C1F5-E919-48BB-AE1B-EFAD2F3E3191.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda ee gobolka Karkaar(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Wasiirka Maaliyadda iyo waftigiisa waxaa si weyn degmada ugu soo dhaweeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Karkaar.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa safar dhinaca dhulka kaga soo ambabaxay saaka magaalada Boosaaso oo Wasiirku uu mudooyinkii ugu dambeeyay u joogay hawllo shaqo.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar, waxaana madaxda gobolka ay Wasiirka u siiyeen xog dheeraad ah oo ku aadan habsi usocodka shaqada.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland