33D3684C-406E-4631-B5CD-19A6F2F5F1BC.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo weheliyaan madaxda Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Safiitka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee kulan goobjooga ka ahaa waxaa kamid ah Wasiir kuxigeenka Maamulka Cumar Axmed Fiqi, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland Cumar Saalax Aadan,Wasiir kuxigeenka Dakhliga Yaasiin Ibraahim Ciise,Wasiir Dowlaha Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimaha Guud ee W/Maaliyadda Mudane Faysal Cabdullahi Warsame,Agaasime kuxigeenka Dakhliga Abshir Maxamed Abshir, Agaasime kuxigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac, Madaxa Mashruuca RCRF Shukri Warsame iyo Madaxa Mashruuca PFM Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi.

Ugu horayn waxaa soo dhaweyn iyo mahadnaq usoo jeediyey Waftiga Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Mudane Faysal Cabdullahi Warsame oo uga mahadnaqay imaatinkooda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub guud ahaan sida ay Soomaaliya u Caawiso, wuxuu intaa ku daray in loo baahanyahay in si cadaalad ah loo wada gaadhsiiyo Deeqaha Puntland iyo Maamulada kale ee dalka ka jira gaar ahaan madaama ay Puntland tahay Sadex meelood oo meel dalka Soomaaliya, maamulka ugu baaxada weyn uguna da’da weyn.

Safiika iyo Madaxda Wasaaradda ayaa si qoto dheer uga dooday arimaha horumarineed ee Dalka.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland