9781C6CE-FA14-4BC8-A2A1-54EAED111C74.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kulanka waxaa ku weheliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdulqaadir, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Cumar Saakax Aadan, Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Faysal Cabdullahi Warsame iyo khabiirka qaybta xiriirka PFM Ruqiyo Cabdicasiis.

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Safiirka ayaa kulankooda waxay uga wadahadleen sidii ay wada shaqayn dhow uga yeelan lahaayeen Arimaha Mashaariicda iyo Arimaha bini’aadantinimada ee laga qabanaayo Puntland.

Madaxda Wasaaradda ayaa safiirka u gudbiyay arrimaha Deeqaha ee Midowga Yurub ay Soomaaliya ka fuliyaan in Puntland qayb ka hesho.

Safiirka Midowga ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland u sheegay in ay dhankooda kala shaqayn doonaan arrimaha Puntland ka socda ee horumarka leh amniguna uu qayb kayahay.

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Safiirka ayaa kulankoodu kusoo dhammaaday si guul iyo Is-faham leh.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Axmed