Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda(Sawirro)

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Agaasimaayasha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kulankan Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Dakhliga, Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo kuxigeenkiisa.

Mudadii uu socday kulankan ayaa looga hadlay halka uu marayo hannaanka shaqo ee Maaliyadda, horumarka la sameeyay iyo waxyabaha lagu taamayo in la qabto.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qaybgalay kulanka ku adkeeyay sidii kor u kac looga samayn lahaa dakhliga si Dowladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland