AF28C665-868A-4138-A8EA-CB7C5BB60591.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Xisaabiyayaasha Gobolada Puntland(Sawirro)

Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan laqaatay Xisaabiyayaasha Wasaaradda Maaliyadda Gobolada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kulanka la qaatay Xisaabiyayaasha,waxaa ku weheliyay Wasiir ku Xigeenka Maamulka Cumar Xasan Fiqi, Wasiiru dawlaha Maaliyadda Maxamed Cabdul qaadir,Wasiirku Xigeenka Dakhliga Yaasiin Ibrahim Cartan, Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdirisaaq Siciid Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda C/risaaq Maxamed Xasan,Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar, Cismaan Buux cali Agaasime kuxigeenka Maamulka iyo Xoghayaha Wasaaradda Axmed Jamac Xasan iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa Xisaabiyayaasha uu la kulmay ayaa ka yimi Gobolada Barri,karkaar,Nugaal,Mudug,Haylaan,Sool iyo Gardafuu.

Xisaabiyayaasha ayaa Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland usoo gudbiyay xog dheeraad ah oo ku aadan shaqadooda.

Dhinaca kale Xisaabiyayaasha Gobolada Puntland ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda usheegay caqabadaha ka haysta dhanka shaqada una baahan yihiin in xal loo helo.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa sheegay in loo baahan yahay in xooga la saaro dhaqangalinta Cashuuraha Berriga si kobac balaaran looga sameeyo dhanka dakhliga.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa Xisaabiyayaasha Wasaaradda Maaliyadda usheegay in uu dhowaan kormeer ku mari doono goobaha dakhliga ee Gobolada haddii Allahabawoodaleh ogolaado.

Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda Dawladda Puntland