Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay xubno kamid ah ganacsatada Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada Maaliyadda iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ayaa kulan la qaatay qaybo ka mid ah Ganacsatada Puntland.

Shirkan oo ahaa shirar is-daba joog ah ayaa looga hadlay soo dejinta iyo kor u qaadida dakhliga kasoo xarooda ganacsiga dekeda Boosaaso iyo lacagta sales-ka iibka sidii loo bixin lahaa si loogu horumariyo baahiyaha dalka taasoo Wasiirku ku ammaanay ganacsatada iney wax badan kala qabteen dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay muhiimada shirka iyo arrimaha looga hadlay. Wuxuu sheegay in ay ganacsatada isku afgarteen shirarka ay isla qaateen.

“ Shirar is daba joog ah ayaan la qaadanay ganacsatada wax soo dejisa oo aan kala hadalnay soo dejinta iyo kor u qaadida dakhliga kasoo xareeda ganacsiga dekeda iyo lacagta sales-ka ee iibka in la bixiyo oo baahiyaha ugu muhiimsan oo ay kamid yihiin waddooyinka lagu bixiyo…” ayuu yiri

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in ay shir la qaateen Wasaaradda qaybta dakhliga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa cashuuraha.

“ Waxyaabihii ugu muhiimsanaa waxaa kamid ah in bishan haddii ay dhammaato aanu bilaabi doono Khasnadii mideysnayd oo Bangiga Wasaarad kasta si mideysan ugu dhici doonaan dakhligoodu … ayuu yiri Mudane Xasan Shire Cabdi.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ugu baaqay Wasaaradaha inay ilaaliyaan nidaamka cashuurta iyo inay bixiyaan cashuuraha iyaga soo mara.

….” Waxaan Wasaaradaha ugu baaqaynaa in ay Ilaaliyaan nidaamka cashuurta , inay bixiyaan cashuuraha iyaga soo mara, sidoo kale mideynta shatiyada – nidaam ayay dowladdu sameysay oo ah shati aan dowladda soo marin inaan la aqbali doonin.

Ganacsatada Puntland ayuu uga mahadceliyay sida ay cashuurta u bixiyaan si ay Dawladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo ee dalka.

Ugu dambeyn Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay bixiyaan cashuurta si kor loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka Puntland.

“ Waxaan ummada reer Puntland ugu baaqaynaa inay cashuurta bixiyaan, haybadnimada dowladaa aynu haysano waa cashuurta hadeynaan cashuurtaas helin ma yeelanayno haybadaas..” ayuu yiri

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland