B656BEB3-53BD-4D58-BBB1-C6847A1FCCD8.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Lacag Boqol kun oo dollar ku wareejiyay Guddiga Garoonka Mire Awaare[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta lacag ku wareejiyay Guddiga Garoonka Ciyaaraha Mire Awaare ee magaaladaGaroowe.

Xafladda wareejinta lacagtan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Eng. Cumar Xasan Fiqi, Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga Abshir Maxamed Abshir, Agaasime ku xigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac, Duqa caasimada Garoowe Axmed Barre,Gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha Siciid Sayte iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa lacagta uu guddiga ku wareejiyay ayaa ahayd 100,000$ (Boqol kun oo doolar) taasoo horay uu u ballanqaaday Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/446909512560991/

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa madasha lacag wareejinta ka hadlay,waxaana uu yiri

“ Maanta oo Taariikhdu tahay 6.8.2019 waxaan rabnaa in aan Guddiga Garoonka Ciyaaraha Mire oo uu la socdo Guddoomiyaha degmada aanu ku wareejino lacag dhan 100,000$ (Boqol kun oo doolar),  lacagtaas oo Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni uu ballanqaaday 30.July.2019 lacagtii ka dhimanayd wajiigii kowaad ee Garoonka” ayuu yiri

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr Siciid Cabdullaahi Deni ay muhiimad gaar ah siinayso Haweenka iyo Dhalinyarada Puntland.

“Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxa ay taageero buuxda la garab taagan tahay Haweenka iyo dhalinyarada, dal horumarkiina waa labadaas, waxaa kale oo la qorsheyn doonaa horumarinta garoomada kale ee dalka” ayuu yiri mar kale.

Duqa caasimada Puntland ee Garoowe Axmed Barre Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Garoonka Ciyaaraha Mire Awaare Siciid Sayte  ayaa u mahadceliyay Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni iyo habka wanaagsan ee uu lacagtan ugu wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi.

Ugu dambayn Wasiirka Maaliyadda ayaa Duqa Caasimada iyo Guddiga dhaqaalaha Garoonka Ciyaaraha Mire Awaare ku wareejiyay Jeeg Lacageed oo dhan 100,000 $ (Boqol kun oo doolar).

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland