1P8A2719.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo maanta Kormeeray Xarumaha Wasaaradda ee magaalada Boosaaso[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarumaha Wasaaradda ee magaalada Boosaaso.

Wasiir Cabdullaahi Carshe ayaa booqashiisa shaqo ,waxaa ku weheliyey Wasiir Kuxigeenka Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan,Wasiiru dowlaha Maxamuud Faarax Beeldaaje,Xisaabaha Guud Cabdirisaaq,Agaasimaha Furdooyinka Cismaan Buux iyo xubno kale.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa xarumaha uu booqday,waxaa kamid ah Cashuuraha berriga,Howlaha guud iyo Xarunta weyn ee Wasaaradda halkaasoo uu kula kulmay mas’uuliyiin iyo shaqaaleba.

Xafiisyada xarumahaas ayuu mid mid u booqday,wuxuuna soo dhaweyn wanaagsan ka helay shaqaalihiisa,isagoona u sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu la kulmo shaqaale u heelan shaqadooda.

Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ayuu ka xog waraystay habsami u socodka shaqada,wuxuuna ku ammaanay sida wanaagsan ay ugu shaqeynayaan shacabkooda.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa muddooyinkan sameynayey kormeer shaqo oo ku ogaanayey habsi u socodka shaqada ,wuxuuna shaqaalaha Wasaaradda ku dhiirigelinayey shaqadooda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntlnad