4CB15561-3E19-4FBB-A26B-8ACB8552A4B4.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Qado sharaf u sameeyay Wafti isugu jiray Aqalka sare iyo Maamul goboleedyada[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa qado sharaf Sagootin ah u sameeyay Wafdi isagu jira Maamul goboleedyada iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare.

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi  ayaa  qado sharaf sagootin ah u sameeyay Wafti ka socda Maamul goboleedyada iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare. Waftigan ayaa Garoowe u yimid shir looga hadlaayay hannaanka Maaliyadda ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa wafdigan ballaaran ugu mahadceliyay kasoo qaybgalka Shirkan Garoowe kusoo dhamaaday maalinimadii shalay  iyo sida ay muhiimka u tahay in dalku uu yeesho shuruuc Maaliyadeed oo lagu wada shaqeeyo.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Sanetor ka tirsan aqalka Sare ee Soomaaliya  Cabdiraxmaan Faroole ayaa u mahadceliyay Wafdiga, waxaana uu ku dheeraaday muhiimada uu lahaa kulankan looga hadlayay Shuruucda Maaliyadeed ee dalka, isagoo u mahadceliyay Wasiirka Maaliyada Puntland oo kulankan qado sharafta ah soo agaasimay.

Dhankiisa guddoomiyaha dhaqaalaha ee Aqalka Sare Xildhibaan Cabdi  Dhuxulow ayaa u mahadceliyay Madaxda Wasaaradda Maaliyada Puntland  oo ugu horeeyo Wasiir Xasan Shire, waxa uu ka mahadceliyay qado sharafta loo sameeyay, isagoo bogaadiyay amniga iyo horumarka ka jira Puntland, isla markaana ugu baaqay inay adkaystaan.

Xafiiska Warfafinta & Wacyigelinta

W/Maaliyadda DPL ee Garoowe