Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Fariin Iskutashi ah u diray Shacabka dal iyo dibadba[Daawo+Sawirro]

Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed
Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa sheegay iney shacabka reer Puntland dal iyo dibadba awoodaan iney Isku tashigooda uga qeybqaataan horumarka Puntland.

Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo hadal ka jeediyey qalabkii dhismaha wadada ceeldaahir -ceerigaabo ayaa sheegay in qalabka lagu gaday Iskutashiga shacabka ee ay horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

“” Qalabkan waa Puntland dhaqaalaheedii weeye ,shacab iyo dowladba .wadada anaga dhisaneyna ,waxaana laga doonayaa bulshadu iney ka qeybqaadato dhismaha wadada””ayuu yiri

Waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo shacabka Puntland dal iyo dibadba iney gacanta furaan isla mar ahaantaana ay ka dowlad ahaan diyaar u yihiin ka qeybqaadashada horumarka Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey iney sidii loogu talagalay haddii Eebo idmo ku dhamaaneyso wadada dhismaheeda .

Hoos ka daawo muuqaalka

Waaxda Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com