0F91E061-EAF8-4774-8A9C-55AB9EE84DC5.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Shahaado sharaf gudoonsiiyay Shirkadaha la shaqeeya W/Maaliyadda[Sawirro]

BOOSAASO –  Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay shirkadaha  wada shaqaynta dhow la leh Wasaaradda Maaliyadda 

Shirkadahan mas’uuliyiin ka socda ayaa lagu casumay kulan ka dhacay Hotel Jaabir Place waxana ka mid ahaa Tawfiiq, Barwaaqo, Sharmaarke, Muwaafiq iyo Golis.

Maamulaha Furdooyinka Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa soo qaban qaabiyay kulankan iyo soo xulida shirkadaha.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/852698111791468/
Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo khubad ka jeediyay madasha

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Maaliyadda,Wasiiru dawlaha Maaliyadda, Wasiiru dawlaha arimaha gudaha, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Taliyaha Qaybta Gobolka Bari, Taliyaha Ciidamada dekeda Boosaaso iyo mas’uuliyiin kale.

Maamulaha Furdooyinka ayaa shirkadahan ku amaanay shaqo wanaag waxana uu sheegay in uu uga mahad celinaayo la shaqeynta Dawladda. 

Madaxda shirkadahan ayaa u mahadceliyay madaxda Wasaaradda Maaliyadda waxana ay sheegeen in Dawladdu xil wayn iska saarto ilaalinta hantidooda ayna ka go’antahay in ay Dawladda garab istaagaan.

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiiru-dawlaha arimaha gudaha iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka aayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda ku bogaadiyay in ay qaadeen talaabo wanaagsan.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ugu dambayn soo afmeeray kulankaasi waxana uu ka hadlay mashaariic Dawladdu ka wado gobolka Bari, iyo in Wasaaradda Maaliyaddu mar kastana tixgalinsiiso Ganacsatada.

Ugu dambayn Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Wasiiru dawlaha Maaliyadda iyo Maamulaha furdooyinka ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay madaxda shirkadahan iyo Taliyaha Ciidamada Dekeda Boosaaso.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland