Wasiirka Maaliyadda Puntland oo shir guddoomiyay shir looga hadlay mashaariicda Bangiga adduunka ka wado Puntland (Sawirro)

Shir looga hadlaayay dib eegis lagu sameynaayay mashaariicda Bangiga Adduunka uu ka waday Puntland ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland ee Garoowe.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa shir gudoominayaay kulanka, waxaana ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka markii uu soo idlaaday waxaa Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland la hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi oo warbixiyay ujeedada kulanka.

“ Shirkan waxa uu ahaa shir looga hadlay shaqooyinkii la qabtay qaybta dhaqaalaha Wasaaradda, waxyaalaha aan qabsoomin, sababta ay u qabsoomi waayeen iyo shaqooyinka taagan in la dardargeliyo maadaama sannadka kala barkiisa la joogo..” ayuu yiri.

Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa sheegay in shirkan uu daba socday shir looga hadlay shaqooyinkii qabsoomay lixidii bilood ee sannadkan, kaasoo arrimo badan la isula soo qaaday.

Shirkan ayaa waxa qayb ka ahaa Xisaabiyaha guud , Waaxda miisaaniyadda, xafiiska FMIS-ka, xafiiska baarista guud, xafiiska mashaariicda iyo xubno kale.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ayaa xusay in shirkan uu yahay mid mirro dhal ah, shaqo wanaagsana la qabtay mudadii lixda bilood ahayd ee howshu socotay, shaqooyin baaxadlehna ay horyaalaan Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland